Dowladda Kenya oo Sheegtay In Al-shabaab Laga Soo Badbaadiyay Dhalinyaro

0

War kasoo baxay Kenya ayaa lagu sheegay in howlgal ay fuliyeen Ciidamadooda difaaca, Maleeshiyaadka Al-shabaab loogu soo furtay dhallinyaro Kenyaan ah oo ay ku tababarayeen Gobolka Jubada Hoose.

Howlgalka ayaa ka dhacay Degaanka Raas Kampponi ee Gobolka Jubada Hoose 29-kii bishii aynu soo dhaafnay sida Kenya ay sheegtay.

Dhalinyaradda howlgalka lagu soo furtay ayaa gaaraysa 13-dhalinyaro ah,kuwaasi oo ay Al-Shabaab tababaro Ciidan Siinayeen.

Xogta dhallinyarada ayaa laga helay waalidiinta dhalay,waxaana kadib weerar lagu qaaday Saldhig ku yaala deegaanka Raas Kamponi ee Gobolka Jubada Hoose.

Dhallinyarada ayaa shalay oo Isniin ahayd waxaa loo qeybiyay degaannadii ay asal ahaan u dhasheen oo kala ah Malindi, Kilifi  iyo Kiunga.

Taliyaha Booliska Degaannadaas ee dalka Kenya Matawa Muchangi,ayaa sheegay in dhallinyardaas ay ku wareejiyeen waaliddiintii dhalay islamarkaana ay ku guuleysteen badbaadintooda.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here