Faah-fahino:-Qarax Khasaaro Geystay oo Ka Dhacay Gobolka Jubadda Hoose

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Lala eegtay Gaari ay saarnaayeen Ciidamo Ka tirsan Kuwa Maamulka Jubbaland oo Ku socdaalayay Tuulo La yiraahdo Urungoo oo 77 KM Kaga Beegan Dagmada Dhoobley Ee Jubba Hoose.

Inta La Xaqiijiye 4 askari Oo Ka tirsan Ciidmada Maamulka Jubbaland ayaa Qaraxaasi Ku Geeriyootay Sida uu Idaacada Simba Uu Xaqiijiye Taliyaha Dagmada Dhoobley Haybe Axmed.

Talyaha Haybe oo wareysi gaar ah siiye idaacada Simba Ee Magaalada Moqdisho ayaa Tilmaamay in ay jirto Sidoo kale dagaal dadka deeganka Iyo Al-shabaab Ku dhex-maray duleedka Dhoobley Kadibna Ciidamo ka tirsan Maamulka Jubbaland ay Caawimaad uu fidiye sida uu sheegay.

Dhinaca kale Taliyaha Dagmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose Taliye Haybe Axmed ayaa waxaa uu carbaabay in haatan gacanta Lagu soo dhigay nin ka tirsan Al-shabaab oo dhinaca Miinooyinka U qaabilsanaa

Ugu dambeyntii Baraha Internetka Al-shabaab ay Ku leeyhiiin ayey Ku sheegteen Masuuliyada Qaraxaasi Waxaana Shabaabka ay Sheegeen in ay ku dileen ilaa 8 askari oo uu ku jiro Talyihii Ciidankaasi Hoggaaminayay.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here