2-askari oo ka Tirsanaa Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay lagu dilay Degmada Wadajir ee Gobolka banaadir.
Dagaalyahno ka Tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday Bar koontarool oo ay ku sugnaayeen Ciidamadda oo ku taala Degmadda Wadajir,waxaana goobta isaga baxsaday ragii ka dambeeyay weerarka sida goob-joogayaal ay inoo sheegeen.
Dhanka kale rag hubeysnaa ayaa xalay deegaanka Siinka dheer ee duleedka Muqdisho waxa ay ku dileen Sarkaal la sheegay in uu ka tirsanaa Nabadd Sugidda Soomaaliya.
War kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayay ku sheegtay in ciidamadeedu ay dileen Nin sarkaal ah islamarkaana ay ka qaateen qorigii uu watay xilli uu ku sugnaa deegaanka Siinka dheer.

