Ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna gudoomiye ku xigeenka 1aad ee amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed Cabullaahi Maxamed (Tuulax) ayaa kormeer uu ugu kuurgalayo Saameeynta Roobabka ay ku yeesheen Caasimadda, iyo Xaaladaha amni ku tagay qaar ka mid ah Isgoysyadda waa weyn Ee Magaaladda Muqdisho.
Guddoomiye Tuulah oo tagay ilaa isgoyska baar-ubax ayaa waxaa uu sheegay in Shaqaalaha Nadaafadda ee Gobolka Banadir ay dadaal wanaagsan sameeyeen, wadooyinka qaarna ay ka qaadeyn Carro badan oo uu dhigay roobka, sidoo kale waxaa uu tilmaamay in qoysaska uu dhibaateeyay roobka ay gacan siin doonaan.
Kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay sidoo kale Amniga Caasimadda uu hada yahay mid soo roonaanaya, waxaana uu carabka ku dhuftay in ay sii xoojin doonaan dadaaladda ay ku sugayaan amniga Caasimadda.
Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Gobolka Banadir ahna kusimaha Gudoomiyaha Gobolka ayaa sheegay in uu sii wadi doono kormeerkiisa, waxaana intii uu xalay kormeerka ku jiray uu ka dukaameeatay qaar ka mid ah gaanacsatadda yaryar ee wadooyin caasimadda wax ku gata.







