Guddoomiye ku xigeenkii dhanka Maamulka iyo Maaliyadda gobolka Hiiraan Xuseen Cismaan Muumin Garbooy ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay maamulka gobalka Hiiraan.
Xuseen Cismaan Muumin Garbooy Guddoomiye ku xigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda gobolka Hiiraan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inuusa markii hore la dhacsaneen xilka loo magacaabay, wada tashi dheer uu la yeesshay beesha uu kasoo jeedana ay u sheegeen ineysan xilkaan ku qanacsaneen.
Guddoomiye ku xigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda gobolka Hiiraan Xuseen Cismaan Muumin Garbooy oo sii hadlayay ayaa sheegay inuusa la dhacsaneen sida wax hada ay kaga socdaan Gobalka Hiiraan.
Halka Hoose Ka Akhriso Warqada Is Casilaada Gudoomiye Xuseen Garbooy


