Aqoonyahan Sadiq Enow, oo ah qoraa taxliiliya siyaasadda caalamka, gaar ahaanna tan Soomaaliya ayaa waxa uu ka hadlay xiisada u dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Imaaradka iyo wadahadalka la sheegay in uu u socdo labadaasi dawladood , iyo hadalkii Madaxweynaha Puntland ee ahaa in aan waxba iska badalin xiriirkii Puntland iyo Imaaraadka Carabta, ayna sidoodii u socdaan mashaariicdii Imaaraadku ka wadeen deegaanada Puntland.
Dr Saadiq Enow ayaa dalka Imaaraadka ku tilmaamay inay dullaan ku yihiin dekadaha Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay xeel dheerahaasi,wuxuuna sheegay in arrimahaas ay ka hortagtay Dowladda Federaaalka Soomaliya.
Hadalka Aqoonyahan Sadiq Enow ayaa kusoo beegmaya xili uu xumaaday xiriirkii u dhaxeeyay Soomaliya iyo Imaaraadka Carabta,islamarkaana ay jiraan wada-hadal arintaan lagu xalinaayo.

