Siyaasi C/raxmaan Maxamed Xeyle oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaliyeed ayaa ka hadlay xil ka qaadistii iyo magacaabistii uu dhawaan Raisulwasaare Xasan Cali Kheyre uu ku sameeyay qaar kamid ah Wasiiradiisa.
Xeyle oo u waramay idaacadda Simba ayaa sheegay inaysan isbadal keeneynin wasiir la badalay balse loo baahan yahay inay wada shaqeeyaan hey’adaha kala duwan ee Dowladda Soomaliya.
Waxa uu sheegay in xil ka qaadis iyo magacaabis ay horey u samaayeen dowladihii dalka soo maray islamarkaana aysan waxba soo kordhinin.
“Wasiir la badalay ama la magacaabay waxba masoo kordhinayso,wasiirka waxaa xilka laga qaadi karaa markii ay dhibaato ka jirto wasaaradiisa, dhawaan xil ka qaadistii iyo magacaabistii la sameeyay waxba masoo kordhinayso”, ayuu yiri siyaasi C/raxmaan Maxamed Xeyle.
Dhawaan Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Wasiiradii, arrimaha Gudaha,Dibadda, iyo Ganacsiga iyo warshadaha waxaana la magacabay wasiiro kale.

