Xildhibaan Hore:-“Farmaajo Wuxuu Luminayaa Kalsoonidii Shacabka Ka Haystay”,+Dhageyso

0

Ex xildhibaan Siidow Aadan Abaadir oo kamid ahaa XIldhibanadii baarlamaankii hore ee Soomaliya ayaa sheegay in dowlada Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed  Farmaajo ay sii luminayso taageeradii ay ka heysatay shacabka Soomaliyeed.

Waxa uu sheegay in lixdii bilood ee uu raisulwasaare soo noqday Farmaajo uu kasbaday taageeradda Shacabka Soomaliyeed,islamarkaana taasi ay u suurta galisay in uu madaxweyne ka noqdo Soomaliya.

Sidoo kale Siidow ayaa sheegay in balan-qaadyadii uu sameeyay Farmaajo xiligii uu musharaxa ahaa aysan waxba ka dhaqan galin islamarkaana shacabka taageeradda u muujiyay xiligaas ay maanta ka niyadd jabsan yihiin.

“Ninka la yiraahdo Farmaajo lix bilood ayuu dalkaan Raisulwasaare kasoo noqday xiligaas ayuu kabsaday kalsoonidda Shacabka Soomaliyeed, lix bilood waxba laguma qaban karo nasiibka ayaa xiligaas saaciday, xiligii musharaxa ahaa waxa uu balan-qaaday in uu wax badan qaban doono wixii uu idil waxba kama dhaqan galin, waxaana keenaya go’aanadda sida fudud lagu qaato”, ayuu yiri Ex Xildhibaan Siidow Aaadan Abaadir oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda Muqdisho.

Dhanka kale waxa uu sheegay Ex Xildhibaan Siidow Aadan Abaadir in dhacdooyinkii kala duwanaa  ee dalkaan ka dhacay sida dhiibistii qalbi dhagax, weerarkii hoyga siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, weerarkii hoyga Sanator Cabdi Qeybdiid ay keentay  in kalsoonidii uu lumiyo.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here