Ku-xigeenka Hogaamiyaha Al-shabaab oo Liiska Argagixisadda Lagu Daray

0

War ka soo baxay Dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay  ku xigeenka hogaamiyaha Xarakadda Al-shabaab Abuukar Cali Aadan in lagu daray liiska Argagixisadda  caalamka ugu qatarsan.

Waxaa la xayiray hantida Mareykanka ka taala iyo in uu la macaamilo dadka ku sugan gudaha Mareykanka,waxayna Dowladda Mareykanka hoosta ka xariiqday in uu Abuukar Cali Aadan kamid yahay saraakiisha abaabushay qarixii ka dhacay magaalada Muqdisho 14 October ee geystay khasaarihii aadka u balaarnaa.

Abuukar Cali Aadan ayaa horey u soo noqday waaliga Shabaab u qaabilsan Jubooyinka,waxaana xilkaas laga qaaday sanadkii 2012 asigoona xilkaasi hayay muddo labo sano ah,waxaana lagu badalay C/raxmaan Xudeyfa.

Taliska Ciidamada Militeriga Mareykanka ee Africa (AFRICOM) ayaa sheegay  duqeymaha  ay ka fuliyeen Soomaaliya in ay ku dileen saraakiil badan oo Alshabaab ka tirsan,sanadka cusubna ay sii xoojin doonaan weerarada ka dhanka ah dhaqdhaqaaqa Alshabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here