Dowladda Kenya oo Mar Kale Ku Celisay in Wada-hadal Lagu Dhameeyo Muranka Badda

0

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Kenya Githu Muigai  oo qoraal uu soo saaray lagu daabacay Wargeyska Dailynation ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa sheegay in mowqifka Kenya ay ka taagan tahay muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya  uu yahay wada-hadal.

Waxa uu Sheegay in  Dowladda Kenya ay dhowr jeer kala hadashay Dowladda federaalka Soomaliya in arinta wada-hadal lagu dhameeyo, balse arintaas lagu guuldareystay.

“Meesha aan dacwadda ka taaganahay waxay ku qorantahay Sharciga Badaha ee QM iyo Go’aano kale oo Madaxda Wadamadda Midowga Africa ay qaateen 1964tii”ayuu yiri Githu Muigai  .

Bilowga sanadkaan cusub ee 2018-ka ayaa lagu filayaa  in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee Hague ee dalka holland inay soo saarto qaabka looga hadlayo dacwada badda u dhaxeysa Soomaliya iyo kenya.

Muranka u dhaxeeya Dowladaha Soomaliya iyo Kenya dhanka badda ayaa waxaa uu ahaa mid soo socday saddexdii sanno ee u dambeysay, iyadoo horaantii sanadkan 2017-ka ay Maxkamadda Hague  ee dalka Holland ay xukmisay in kiiskan ay maxkamadda qaadi karto.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here