Dhagey:-“Madaxda Dalka Ma Ahan In Ay Weeraraan Dadka Ka Fikirka Duwan”,+Dhageyso

0

Senator Yuusuf Geelle Ugaas Dhagey oo ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabadii Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida ay ku weerareen guri uu degenaa Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.

Dhagey oo ka hadlayay shir jaraa’id ay qabteen Xildhibaanada iyo Senatarada Beelaha Hawiye ayaa sheegay in wixii dhacay ay aheyd arrin sharci darro ah, isla markaana C/raxmaan C/shakuur warqad laga geyn karay, bedelkii gurigiisa la weerari lahaa.

“Dalkaan meeshii uu ka yimid yaan lagu celin, hadii aad iga fikir duwanaato baasuke ayaan kula dhacaya waa ayaan daro, wixii C/raxmaan lagula kacay waxey aheyd duulaan lagu soo qaaday Dimuqraadiyadda,waxaan isla gaarnay ilaa saqda dhexe madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha waxaan ka codsanay in meydadka dadka la xasuuqay iyo dhaawac C/raxmaan nagula wareejiyo ciidankana laga dul qado guriga, laakiin mudadii ay noo qabteen waxba kuma hagaagin,meydadkii waxaa xoog ku qaatay ragii xasuuqay oo aasay taasina waa geeri labaad, arintaan xisaaabtan ayey rabtaa, madaxda sare waxaan leenahay meeshii aan idinka fileynay waa ka hoos marteen, dalku wuxuu u baahan yahay daganaan ee xoog uma baahna”ayuu yiri Dhagey.

“Anigoo ku hadlaya afka xildhibaanadda kulanka ilaa maanta u fadhiyay, waxaan lee yahay dadku ha is dajiyaan ,hub iyo dagaalna looma baahna ,waxeena sharci ayaan ku raadsaneynaa, labadda aqal waxaad ku leedihiin dad xaqiina idiin soo dhicin Kara.

“Sidoo kale wasiiro ayaad leedihiin , inkastoo mid ka mid ah oo ah wasiirka amniga uu maanta si xun u hadlay oo aan ku cambaareynaayo hadana waxaa leedihiin Wasiiro aan qalad nuucan ah aqableyn, guryihiina ku ekaada wax qalaalso ahna yeysan dhicin.

Hadalkaan ayaa kusoo beegmaya xili Habeeen hore Ciidamo Ka Tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaliya ay weerar ku qaadeen hoyga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame iyagoo halkaas ka watay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here