War kasoo baxay Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ee lagu magacaabo AFRICOM ayaa loogu hadlay duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen habeenkii jimcihii deegaanka Beerxaani oo 60-KM dhinaca Galbeed uga beegan Magaalada Kismaayo.
Taliska ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid qorsheysan, islamarkaana ay ku dileen Xubno muhiim ahaa oo ka tirsanaa Xarakadda Al-Shabaab, oo xiligaas ku shirsanaa saldhiga ku yaala deegaankaas.
Taliska ayaa iska fogeeyay in weerarkaas lagu dilay dad shacab ahaa ujeedka loo qaaday weerarkaas uu ahaa in lagaga hortago weerarada ay soo abaabulaan dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ee ka dhaca goobaha dowladda ay maamusho.
Taliska ayaa xaqiijiyay in Weerarkaasi lagu dilay 8 xubnood ka tirsan Xarakadda Al-Shabaab, sidoo kalena ay ku burburiyeen Gaari dagaal.
Dhanka kale Saraakiisha Ciidamadda Dowladda Soomaliya ayaa sheegay in duqeyntaas ay dhacday islamarkaana lagu dilay dagaalyahano iyo saraakiil shabaab ahaa.

