Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa deegaanka Garas-baaley ee duleedka magaaladda muqdisho ka baadi-goobaya nin kufsi u geystay haweeney umul ku jirta.
Gudoomiye ku-xigeenka deegaanka Garas-baaley ee duleedka muqdisho C/laahi Gamburi oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in dhacdadaan ay jirto islamarkaana uu baxsaday askarigii ka dambeeyay kufsiga.
Waxa uu sheegay in Haweeneydii dhibaatadaas loo geystay ay haatan taalo isbitaal ku yaala Deegaanka Garas-baaley, oo Xaaladeeda caafimaad lagu dabiibayo.
Sidoo kale Gudoomiye ku-xigeenka deegaanka Garas- ayaa ka codsaday shacabka deegaanka in ay kusoo wargaliyaan xog ku saabsan askariga falka geystay.

