Shirkii u dhaxeeyay Dowladda Dhexe ee Soomaliya iyo Maamul goboleedyadda dalka ka jira ayaa lasoo gaba-gabeeyay goordhaweyd.
Shirkaan oo qaatay muddo 10-cisho ah ayaa loogu hadlay arrimo dhowr oo ay isku hayeen Dowladda Dhexe iyo Maamul goboleedyadda sida. 1- Arrimaha Dastuurka 2- Iskaashiga Amniga 3- Dagaalka Alshabaab 4- Qeybsiga kheyraadka 5- iyo Arrimaha siyaasadda
Shirka waxaa ka qeyb galay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo guddoominayay, Raisal wasaaraha Xukuumadda Soomaliya , madaxda maamul Goboleedyada iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
La soco War-muriyeedka Goordhow

