Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya oo Soo Saaray Amaro Culus+Dhageyso

0

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa Amar ku siiyey Laamaha amaanka deeganada maamulkaas in xabsi la dhigo shaqsiyaadka amniga Koonfur galbeed qalqal-gelinayo.

Wasiirka Amniga ee Maamulka koonfur Galbeed Soomaliya Xasan Maxamed Xuseen(Xasan eeleey) oo warbaahinta kula hadlay maagaaladda baydhabo kadib markii uu kulamo la qaatay hay’addaha amaanka ayaa sheegay in wasaaradda amniga Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya aysan aqbali doonin in siyaasiyiin dano gaar ah leh in ay qalqal galiyaan amniga deeganada maamulkaas.

“Deeganada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya waxaa mudooyinkii dambe kusoo badanayay dad dano gaar ah leh,waxaan ku amarnay Hay’adaha amaanka Koonfur Galbeed Soomaliya in ay xabsiga dhigaan shaqsiyaaadkas,waqti walba waxaan dagaal kula jirnaa Al-shabaab,mana aqbali doono in siyaasiyiin dano gaar ah leh in ay qalqal galiyaan amniga Koonfur Galbeed Soomaliya”, ayuu yiri Xasan eeleey.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka koonfur Galbeed Soomaliya  ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waday mooshin ka dhan Madaxweynaha maamulkaas Shariif Xasan Shiikh aadan, iyagoo haatan gaaray tiradii ugu badneed.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here