Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay ka feejigan yihiin weeraro dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay ka fuliyaan Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug .
Taliyaha qeybta booliiska Gobolka Mudug, Kornayl Aadan Nuur Qaal, oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaaladda Gaalkacyo ayaa ugu horeyntii ka hadlay qaraxii shalay lala eegatay guddoomiye ku-xigeenka degmada Gaalkacyo Farxaan Cabdi Gaafaa, kadib markii gaarigiisa qarax loogu xiray, isagoo marayay bartamaha Gaalkacyo.
Taliyaha ayaa xaqiijiyay inay hayaan warbixinno ku aadan weerarro ay qorsheynayaan inay fuliyaan Al- Shabaab, isagoo sheegay hay’adaha ammaanka inay ka feejiganyihiin weerarada ka imaan kara Al-Shabaab.
Dadweynaha ayuu ka dalbadey si dhow inay hay’adaha ammaanka ula shaqeeyaan oo ay ku soo wargaliyaan cid walba oo ay ka shakiyaan.

