Puntland oo Ka Feejigan Weeraro Al-shabaab ay Ka Fuliyaan Magaalada Gaalkacyo+Dhageyso

0

Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay ka feejigan yihiin weeraro dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay ka fuliyaan Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug  .

Taliyaha qeybta booliiska Gobolka Mudug, Kornayl Aadan Nuur Qaal, oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaaladda Gaalkacyo ayaa ugu horeyntii ka hadlay qaraxii shalay lala eegatay guddoomiye ku-xigeenka degmada Gaalkacyo Farxaan Cabdi Gaafaa, kadib markii gaarigiisa qarax loogu xiray, isagoo marayay bartamaha Gaalkacyo.

Taliyaha ayaa xaqiijiyay inay hayaan warbixinno ku aadan weerarro ay qorsheynayaan inay fuliyaan Al- Shabaab, isagoo sheegay hay’adaha ammaanka inay ka feejiganyihiin weerarada ka imaan kara Al-Shabaab.

Dadweynaha ayuu ka dalbadey si dhow inay hay’adaha ammaanka ula shaqeeyaan oo ay ku soo wargaliyaan cid walba oo ay ka shakiyaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here