Xildhibaan Hore iyo Taliye Ciidan oo Ku Dhintay Qaraxii Naasa-hablood.

0

Inta la xaqiijiyay  10-ruux ayaa ku geeriyootay qarax xooggan oo galabta lagu weeraray Hotelka Naasahablood 2 Degmada Xamar weyn ee Gobolka Banaadir.

Qaraxaan ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen, Xildhibaan hore C/naasir Gaarane iyo Taliyihii Booliska degmada Dayniile ee Gobolka banaadir Maxamed Yuusuf Fanax oo horay u soo noqday Taliyaha Booliska degmada Yaaqshiid.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa in lagu dhuftay gawaari tiilay afafka hore ee Hoteelka Naasahablood 2 ee Magaaladda Muqdisho.

Qarax kadib waxaa  hoteelka Naasahablood 2 ee Magaaladda Muqdisho gudaha u galay dabley hubeysan oo ilaa haatan ka dagaalamaysa.

Dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ayaa barahooda Internet-ka ku sheegtay inay ka dambeeyeen qaraxa, isla markaana ay weerareen Hotelka Naasahablood 2.

Dhanka qaraxa galabta ka dhacay Hoteelka Naasa-hablood 2 ee Magaaladda Muqdisho waxa uu saameyn xoogan uu ku yeeshay dhismayaasha caanka ah sida Maqaayadda Banoodda oo burbur xoogan uu soo gaaray.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here