Mareykanka oo Ururka Midowga Afrika Kala Hadlay Xaaladda Soomaaliya.

0

Safiirka Mareykanka u qaabilsan Qaramada Midoobey Nikki Haley ayaa Magaaladda Addis ababa ee Casimadda Dalka ethopia kula kulantay madax Afrikaan waxayna kala hadashay  xaaladda Soomaaliya.

Kulankaan ayaa la sheegay In uu dhacay Maalintii isniintii aheyd kadib qaraxii ismiidaaminta ahaa ee 14-kii bishaan ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho kaasi oo dilay 358 qof halka dhaawacuna uu ka badan yahay 228-qof.

Danjiraha Maraykanka u joogta Qaramada Midoobay oo ka hadashay Shir Jaraa’id oo ay iyada iyo Madaxa Siyaasadda ee Ururka Midowga Afrika, Minata Samate ku qabteen Xarunta Dhexe ee AU-da ayaa sheegtay in Danaha Maraykanka ku xiran tahay inay si wadajir ah ugala shaqeeyaan Midowga Afrika iyo Urur-gobaleedka IGAD sidii xal loogu heli lahaa Somalia.

Sidoo kale Wakaalladda Wararka Ethiopia ee ENA ayaa baahisay inay Nikki Haley iyo Ra’isul-wasaaraha Ethiopia ka wada hadleen qoddobo ay ka mid ahaayeen Dadaalka Nabadilaaliyayaasha ugu jiraan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalalka Somalia, Koonfurta Suudaan iyo guud ahaan Mandiqadda Geeska Afrika.

Kulankaan ayaa kusoo beegmaya xili Bishii June ee sanadkii hore, Qaramada Midoobay ay shaacisay in yareysay lacagihii loo qondeeyay Howlgalka Midowga Afrika  AMISOM, waxaa laga jaray $570 million, waxaa ay noqotay miisaaniyadda $7.3 billion.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here