Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Guddoomiye kuxigeenka 1-aad Xareed Cali Xareed ayaa dacwad looga furay Maxkamadda sare ee dalka.
Madaxdaan ayaa loo qabtay ilaa maalinta bari ah taariikhda ku beegan 25 October inay ka soo qeyb galaan dhageysiga dacwada laga gudbiyay.
Warqad qoraal ah oo ay soo saartay Maxkamadda sare ee dalka 22-kii bishan ayay muddo ugu qabatay Madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Galmudug inay Maxkamadda ku yimaadaan, kaddib markii uu dacwad ka gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir.
Sidoo kale Madaxweynaa Galmdug oo warqadaan la gaarsiiyay ayaa sheegay in Maxkamadda Sare aysan qaadi Karin dacwad Idaariya ah, isla markaana khilaafka ka taagan Galmudug uu yahay mid dastuuri ah.



