Musharaxa Xisbiga Kulmiye ugu tartami doono Madaxtinimada Jamhuuriyada Iskeed isku Magacowday ee Somaliland Muuse biixi ayaa Cadeeyay Mowqifkiisa ku aadan wada hadalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Somaliland.
Muuse biixi ayaa ku tilmaamay Wada-hadalada hada socda kuwa aan mira dhal aheyn waxbana aan ka qabsoomin, waxuuna beesha caalamka ugu baaqay iney ka shaqeeyaan sidii guul loogu gaari lahaa nabadeynta Somali-land iyo Somaliya.
“Hadii aan guuleysto Dowlada Federaalka Soomaaliya waxa aan kula hadli doonaa goob fagaaro ah hayeeshee qaranimada Somaliland gor gortan Magali-doono”, ayuu yiri Musharax Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi.

