Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Nugaal Waxaa maanta ku wajahan wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Shacabka baarlamaanka Federaalka Soomaliya Maxamed Shiikh Cismaan (Jawaari).
Inkastoo aan faah-faahin dheeraad ah laga heynin safarka Gudoomiyaha ee Magaaladda Garoowe ayaa hadana warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in Jawaari uu halkaas u tagi xalinta Khilaafka Dowladda Dhexe ee Maamul Goboleedyadda.
Waxaa jira haatan khilaaf u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaliya iyo Maamul Goboleedyadda kaasi oo kasoo bilowday muranka Madaxda Maamulka Galmudug.

