Raisulwasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in shirka 28-ka bishaan ka dhacaya Magaaladda Muqdisho ee u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaliya iyo Dowladd Goboleedyadda loogu hadli doono xureynta dalka iyo kala tabashooyinka jira.
Raisulwasaare Kheyre ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaliya ay ka go’an tahay in la qanciyo Dowladd Goboleedyadda dalka ka jira, si meesha loogu saaro shakiga ay qabaan qaar kamid ah Maamul Goboleedyadda.
“Madashii uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed farmaajo ee lagu qabanayo Magaaladda Muqdisho 28-ka bishaan waxaa loogu hadli doonaa xureynta dalka iyo kala tabashooyinka jira, Dowladda Federaalka Soomaliya waxaa ka go’an qancinta Dowladd Goboleedyadda dalka ka jira,dalkaan waa dalka kaliyah ee la rabo in aan kuwada noolaano, madaxweynaha iyo aniga waxaa naga go’an in aan la hadalno qof walba si aan u qanciyo”, ayuu yiri Raisulwasaare Kheyre.
Madaxweynaha Soomaliya ayaa ku wargaliyay dhawaan madaxweynayaasha Maamul goboleedyadda in ay yimaadaan magaaladda Muqdisho si ay kaga qeyb galaan shirka u dhaxeeya Madaxda Dowladda Soomaliya iyo Maamul goboleedyadda.

