Sida lagu daabacay Wakaaladda wararka dalka Sacuudiga boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis waxa uu madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo u soo diray dhambaal uu ku sheegay inuu ugu hambalyeynayo munaasabadda Maalinta Qaranka Somalia oo ku beegan bishan Oct. 21-keeda, waa sida lagu xusay dhambaalkaasi.
Sidoo kale dhaxal-sugaha Boqortooyada, ahna Ra’isul-wasaare-xigeenka iyo Wasiirka Difaaca ee Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan Bin C/casiis ayaa iyagana Khadka Telefoonka kula soo xiriiray Madaxweyne Farmaajo oo ugu hambalyeeyey 21-ka October.
Boqorka dalka Sacuudiga Iyo Wiilkiisa waxay sidoo kale u rajeeyeen Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyo shacabka Soomaliyeed inay ku waaraan horumar iyo Barwaaqo.
Dhambaalkaasi ayaan lagu soo beegin Munaasbada Maalinta Qaranimadda Somalia,, iyadoo la og yahay in 1-da Luulyo ee sannad kasta si heer sare ah loogu dabaal-dego Maalinta Qaranimadda Somalia.
Boqortooyadda Sacuudiga iyo Madaxtooyadda Villa Somaliya midna dib uma sixin inaysan Munaasabadda Maalinta Xornimadda Somalia ku beegnayn 21-ka Octobar.

