Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis oo Dhambaal Qaldan Usoo Direy Farmaajo

0

Sida lagu  daabacay Wakaaladda wararka dalka Sacuudiga boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis waxa uu madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo u soo diray dhambaal  uu ku sheegay inuu ugu hambalyeynayo munaasabadda Maalinta Qaranka Somalia oo ku beegan bishan Oct. 21-keeda,  waa sida lagu xusay dhambaalkaasi.

Sidoo kale dhaxal-sugaha Boqortooyada, ahna Ra’isul-wasaare-xigeenka iyo Wasiirka Difaaca ee Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan  Bin C/casiis  ayaa iyagana Khadka Telefoonka kula soo xiriiray Madaxweyne Farmaajo oo ugu hambalyeeyey 21-ka October.

Boqorka dalka Sacuudiga Iyo Wiilkiisa waxay sidoo kale u rajeeyeen Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyo shacabka Soomaliyeed inay ku waaraan horumar iyo Barwaaqo.

Dhambaalkaasi ayaan lagu soo beegin Munaasbada Maalinta Qaranimadda Somalia,, iyadoo la og yahay in 1-da Luulyo ee sannad kasta si heer sare ah loogu dabaal-dego Maalinta Qaranimadda Somalia.

Boqortooyadda Sacuudiga iyo Madaxtooyadda Villa Somaliya midna dib uma sixin inaysan Munaasabadda Maalinta Xornimadda Somalia ku beegnayn 21-ka Octobar.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here