Guddiga Doorashada Madaxweynaha Cusub Ee Maamulka Galmudug ayaa dib u dhigay doorashada Madaxweynaha Maamulkaas.
Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay kadib markii la tixgeliyay musiibadii ka dhacday Magaaladda Muqdisho oo ay ku waxyeeloobeen dad badan oo Soomaaliyeed, islamarkaana umadda Soomaaliyeed oo dhan ay mashquul ku tahay gurmadka iyo taakuleynta dadkii ku dhibaatoobay musiibadaas.
Sidoo kale warka kasoo baxay Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu sheegay iyadoo aysan suuragal aheyn in doorasho dhacdo iyadoo wali ay xabsi guri ku jiraan guddoonkii baarlamaanka iyo sii-hayihii xilka madaxweynaha ee dowlad goboleedka Galmudug.
Xilliga doorashada madaxweynaha Galmudug ayaa laga dhigay 15-ka Novembar 2017, iyadoo muddo ka badan 20 maalmood dib loo dhigay doorashada oo markii hore ku beegneyd in la qabto 22-ka Octobar ee bishaan.


