Muqdisho waxaa maanta ka socda banaan-bax ay dhigayaaan shacabka Magaaladda kaasi oo loogu soo horjeedo qaraxii dhawaan dadka ay ku dhamaadeen ee ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho.
Boqolaal Shacab ah oo careysayn aya isugu soo baxay wadooyinka Mgaaladda Muqdisho.
Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa ku qeylinayay erayo ay ka mid yihiin doooni meyno Al-shabaab,dooni meyno dhiiga cabe iyo kuwo la mid ah, kadib qaraxii khasaaraha dhaliyay ee ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho.
Banaanbaxa Maanta ayaa imaanaya iyadoo shalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed u iclaamiyay in Shacabka Muqdisho ay isugu soo baxaan Wadooyinka Muqdisho ayna ka dhiidhiyaan Falkii lagu laayay Dadka Rayidka ahaa.











