Banaan-bax Loogu Soo Horjeedo Al-shabaab iyo Qaraxii Zoobe oo Ka Socda Muqdisho+Sawirro

0

Muqdisho waxaa maanta ka socda  banaan-bax ay dhigayaaan shacabka Magaaladda kaasi oo loogu soo horjeedo qaraxii dhawaan dadka ay ku dhamaadeen ee ka dhacay  Isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho.

Boqolaal Shacab ah oo  careysayn aya isugu soo baxay wadooyinka Mgaaladda Muqdisho.

Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa ku qeylinayay erayo ay ka mid yihiin doooni meyno Al-shabaab,dooni meyno dhiiga cabe iyo kuwo la mid ah, kadib qaraxii khasaaraha dhaliyay ee ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho.

Banaanbaxa Maanta ayaa imaanaya iyadoo shalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed u iclaamiyay  in Shacabka Muqdisho ay isugu soo baxaan Wadooyinka Muqdisho ayna ka dhiidhiyaan Falkii lagu laayay Dadka Rayidka ahaa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here