Shirkii Kismaayo oo Saacadaha Soo Socda Lasoo Gaba-gabeyn Doono

0

Shirkii Wadatashiga ee u dhaxeeyay Madaxda maamul Goboleedyada ee ka socday Magaaladda Kismaayo ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda lasoo gaba-gabeeyo islamarkaana war-murtiyeed laga soo saaro.

Shirkaan oo Maamulka Jubba-land uu martigaliyay ayaa warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in laga heshiiyay qodobo dhowr ah.

Doodii ugu kululeyd ee Madaxda Maamul goboleedyadd dhexmrtay ayaa aheyd  in  xiriirka loo jaro dowladda Federaalka, hase ahaatee la isku afgaran waayay.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa si wadajir ah isugu raacay qodobo ka mid ah siyaasada dalka, sida in laga wadatashado arrimaha masiiriga ah, in dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada iska kaashadaan amniga, la dagaalanka Al-Shabaab iyo kuwa kale.

Sidoo kale Maamul goboleedyada ayaa la sheegay inay isku raaceen in la soo celiyo Madashii Wadatashiga Qaran ee horay u jiray dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa qabta walaaca ugu badan iyadoo ka cabsi qabta in Maamul goboleedyada shirsan ay soo saaraan wax lidi ku ah dowladda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here