War murtiyeed ka kooban illaa 16 qodob ayaa ;aga soo saaray shirka Wadarashiga ee Kismaayo ugu socday Madaxda dowladda Goboleedyada kala ah Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Galmudug.
War murtiyeedka oo goor dhow heshay saxaafada ayaa waxaa qodobada looga hadlay ka mid ahaa arrimaha Siyaasadda, Amniga, Federaaleynta, Dastuurka, Kaalmada Caalamiga, waxaana talooyin iyo baaq loogu jeediyay dowladda Federaalka.
Agaasimaha Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa saxaafada u akhriyay War murtiyeedka.




