Dowladda Kenya oo Sheegtay in Al-shabaab ay Ka Baxeen Degaannada Xeebta ah.

0

Dowladda Kenya ayaa sheegtay kadib Howlgalo ay Ciidameeda ka sameeyeen  Keymaha  Booni iyo Degaanka Lamu in ay ku guuleysteen  in Xarakada Al-shabaab ay ka baxaan degaannada xeebta ah.

Agaasimaha howlgalka xoreynta Boni ee Kenya  Joseph Kanyiri,ayaa sheegay in 5- ka mid ah Al-shabaab ay dileen islamarkaana ka furteen 6 Qori oo AK47 ah,321 xabbo oo rasaas ah,Saddex grneyl iyo Waxyaabaha qarxa.

Howlgalka Ciidamada Kenya ayaa jirsaday lix sano Bishan ayuuna gaarayaa sanadkii lixaad,Al-shabaab waxaa ay wali ka dagaallamayaan gudaha Kenya waliba si ka xoog badan sidii howlgalka Al-shabab ee gudaha Kenya uu ahaa ka hor 2011kii.

Sidoo kale Agaasimaha howlgalka xoreynta Boni ee Kenya  Joseph Kanyiri ayaa sheegay in Ciidamada KDF ay sameyaan howlgal joogto ah joogitaankooda degaankaasna uu aad u badanyahay islamarkaana ay helaan xogta Ragga ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Waxaa uu sheegay Agaasimaha howlgalka xoreynta Boni ee Kenya  in dadka degan Gobolka Xeebta ah iyo xoolo dhaqatada ay ka helaan xogta ugu badan ee la xiriirta Goobaha ay Xarakada  Al-shabaab ku suganyihiin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here