Guddiga Madaxa Banaan Ee Dib u Eegista Dastuurka iyo Guddiga Dib u Eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay ka soo horjeesteen shirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ay qorsheysay inuu ka furmo magaalada Muqdisho maalinta Axada ee ku beegan 08-10-2017.
Guddoomiyaha Guddiga Dib U Eegista Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa War-murtiyeedka u aqriyay saxaafadda ayaa sheegay in shirkaasi uu yahay mid caqabad iyo dhibaato ku ah geedi socodka dib u eegista Dastuurka,waxaana uu uga digay Maamul Gobolleedyada iyo Ururada Bulshada Rayidka ah in ay ka qeyb galaan shirkaas.



