Akhriso:-Guddiga Dib u Eegista Dastuurka ee Baarlamaanka oo Ka Horyimid Shirka Arrimaha Dastuurka

0

Guddiga Madaxa Banaan Ee Dib u Eegista Dastuurka iyo Guddiga Dib u Eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay ka soo horjeesteen shirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ay qorsheysay inuu ka furmo magaalada Muqdisho maalinta Axada ee ku beegan 08-10-2017.

Guddoomiyaha Guddiga Dib U Eegista Baarlamaanka Soomaaliya  Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa War-murtiyeedka u aqriyay saxaafadda ayaa sheegay in shirkaasi uu yahay mid caqabad iyo dhibaato ku ah geedi  socodka dib u eegista Dastuurka,waxaana uu uga digay Maamul Gobolleedyada iyo Ururada Bulshada Rayidka ah in ay ka qeyb galaan shirkaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here