Kooxo hubeysan ayaa askari ka tirsanaa Dowladda Hoose waxa ay ku dileen Xaafadda Suuq Bacaad Degmada Yaaqshid ee Gobolka banaadir.
Qof goobjooge ah ayaa goordhow u sheegay idaacada simba in rag hubeysan ay fuliyeen dilka loo geystay askarka Tirsanaa Dowladda Hoose.
Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Degmada Yaaqshid ayaa gaaray goobta uu dilkaasi ka dhacay kuwaasi oo howlgalo ka sameeyay goobta uu dilka ka dhacay.
Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxaa mararka qaar ka dhaca dilal loo geysto saraakiisha iyo Ciidamada dowlada Soomaaliya oo ay inta badan mas’uuliyada Dilalkaasi ay dusha t ritaan X-Al-shabaab

