Qaadka oo Laga Mamnuucay Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

0
Photo made July 23, 2013 shows Kenyan khat traders sorting their produce from their farms and awaiting consumers in a market in Nairobi. Khat -- called miraa in Kenya, a multi-million dollar (pound / euro) export business -- is the leaves and shoots of the shrub Catha edulis, which are chewed to obtain a mild stimulant effect. AFP PHOTO/SIMON MAINA (Photo credit should read SIMON MAINA/AFP/Getty Images)

Kulan looga hadlayay sidii loo xoojin lahaa  Ammaanka iyo xasiloonida Gobolka Bakool ayaa lagu qabtay Magaalada Xudur ee Xaruunta Gobolkaasi,iyadoo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin iyo saraakiil.

Waxaa uu soo qaban qaabiyaay kulanka  maamulka Degmada Xudur,iyadoo ay  goobjoog ka ahaayeen Ma’suuliyiinta maamulka Degmada,Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya,waxaana inta badan  Xoogga lagu saaray Iskaashiga dhanka Ammaanka magaalada Xudur iyo guudahaanba Gobolka Bakool,iyadoo maamulka uu soo saarey awaamiiro cusub oo amniga laxiriira.

Maxamed Cabdi Maxamed Told Guddoomiyaha Gobolka Bokool ayaa sheegay in waxqaad ah la keeni Karin magaalada Xudur ilaa amar dambe.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Gobolka Bakool waxaa ay ka wadaan guluf dagaal oo maleeshiyaadka Nabad diidka Al shabaab looga saarayo deegaanada yar yar ee ay kaga harsan yihiin Gobolkaasi iyadoo ay jirto in maleeshiyaadku ay jareen wadooyinka soo gala Magaalada Xudur ee Xaruunta Gobolka Bakool.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here