Magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan waxaa maanta ku wajahan Wafdi uu horkacayo Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaashandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulahi Colaad Rooble.
Safarka Wasiir ku xigeenka Gaashandhiga dowlada Soomaalya Cabdulahi Colaad Rooble ayaa waxaa qeyb ka ah Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Saraakiil kale kuwaaso lagu wado inay kulan la qaatan Maamulka Gobolka Hiiraan ee Hir-shabeelle iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda.
Xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa isku diyaarinaya soo dhaweynta wafdigan ka socda dowlada dhexe ee Soomaaliya.
Lama oga sabaha uu u socda Wafdiga iyo xildhibaanada Baarlamanka ee ka mid ah wafdiga ku wajahan magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

