Wararka ka imaanaya Magaaladda hargeysa ee caasimadda maamulka Somali-land ayaa ku waramaya in guri ku yaala magaaladaas gaar ahaan xaafadda Ibraahim Koodbuur uu dab qabsaday.
Dabkaan ayaa waxaa ku dhintay afar caruur oo walaalo ahaa halka hooyadoodna uu dabkaasi ka soo gaaray dhaawac, sida uu sheegay taliyaha ciidanka dabdamiska Somaliland Axmed Maxamed Sawaaxili.
Dhanka kale Guriga dabku qabsaday ayaa ahaa guri jiingad ah, sababtii dabka dhalisayna wali lama cadayn.

