Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo Ka Dagay Magaaladda Hargeysa

0

Wararka ka imaanaya magaaladda Hargaysa ee Caasimadda maamulka Somali-land ayaa ku waramaya in madaxweynaha maamulka Galmudug State Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) iyo wafdi uu hogaaminayo in ay ka dageen garoonka diyaaradaha Magaaladaas.

Agaasimaha madaxtooyadda Maamulka Galmudug Maxamed Cabdi aadan oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda muqdisho ayaa sheegay in madaxweynaha oo ka yimaaday  dhanka imaaraadka Carabta uu ka  dagay Magaaladda Hargeysa, islamarkaana saacadaha soo socda uu gaari doono magaaladda cadaado ee caasimadda KMG ah ee maamulka Galmudug.

Warar soo baxaya  oo ay halayso idaacadda Simba ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka Galmudug sababaha uu  safarka ugu maqnaa dalka Imaaraadka ay qeyb ka aheyd sidii loo dhameystiri lahaa heshiiska go’aanka Galmudug ee Khilaafka Dowladaha Khaliijka Carabta.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here