Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed ee ka Howlgala Degaano Hoos Yimaada Degmada Qoryooley ayaa Bur Buriyay Fariisimo dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay ku lahayeen Halkaasi.
Al-shabaab ayaa Fariisimo waxa ay ku lahayeen Degaanka Mushaani Janaale Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Halkaasi kula Kulmay Dagaal.
Taliyaha Ururka 26 Guutada Sadaxaad ee Ciidamada Xoogga Dalka G/Sare Xasan Maxamed Abuukar Xasan Jaamici oo Howlgalkaasi Hogaaminayay ayaa xaqiijiyay In Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay Bur Buriyeen Fariisimaha Al-shabaab ku lahayeen Degaanada Mushaani iyo Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Kornel Xasan Jaamici ayaa Sidoo kale Xusay inta uu Socday Howlgalka lagu Bur Burinayay Fariisimaha Al-shabaab ay kala Kulmeen Weerar Fashilmay waxa uuna sheegay Taliyaha in Dagaalka Lagu Dilay Tiro ka Tirsan Al-shabaab.





