Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ayaa soo bandhigay Muuqaalka Saddex Nin oo u dhashay dalka Kenya kuwaa oo muddo sanado ah ka Tirsanaa Al shabaab isl-markaana la shaqeynayay.
Saddexda nin ayaa la sheegay in ay ahaayeen sirdoonka dalka Kenya kuwaa oo Magacyadooda aylagu sheegay Hashim Cusmaan Shelali, Cabdi Casiis Mukayo iyo Cabdallah Talaal Muuse waxaana la tilmaamay in macluumaad badan ay u gudiyeen sirdoonka qaranka dowlada Kenya waxaana la xusay si ay Xog uga helaan aawadeed in dagaalyanada ay ugu soo biireen.
War lagu Qoray warbaahinta taageerta Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Raggaan Qaarkood la qabtay iyagoo baxsi ka ah Al-shabaab,halka kuwo kale oo ay wada shaqeynayeena ay u baxsadeen dalka Kenya.
Raggan ay soo bandhigtay warbaahinta ku hadasha afka xarakada alshabaab ayaa la sheegay in markii ay yimaadeen Soomaaliya ay u suuragali weysay howlihii shaqo ee loo soo diray, ka dibna ay isku dayeen in ay si dhuumaaleysi ah ku baxaan.
Waxaana ay tilmaamay in mid kamid ah saaxiibadooda oo lagu magacaabo Cali Dheere ay u suuragashay inuu baxsado balse la qabtay xilli uu isku dayayey in uu baxsado.
Dhowr Jeer ayaa dagaalyahanada Al-shabaab ay Dileen Dagaalameyaal Ajaanib ah oo ka barbar dagaalanta,waxaana ay sheegaan in ay u shaqeynayeen Sirdoonka Reer Galbeedka iyo Dowladaha Dariska la ah Soomaaliya.

