Maamulka Puntland ayaa xabsiga ka sii daayay dhalinyaro Soomaaliyeed markii hore loo heystay danbiyo la xiriira in ay ka Tirsan yihiin dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab, hasse ahaatee markii danbe la ogaaday in ay ahaayeen Tahriibayaal.
Dhalinyaradan la sii daayay oo gaarayay 14 ruux ayaa la sheegay in ay ka soo kala jeedaan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya waxaana ka mid ahaa labo ruux oo la sheegay in ay ganacsan jireen arimaha Tahriibka kuwaa oo lagu xukumay in ay bixiyaan lacago dhan $800 oo dollar.
Maxamuud Xassan Aw-Cismaan Xeer ilaaliyaha guud ee maamulka Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhalinyaradaan u xirnaa maamulka Puntland ay ahaayeen tahriibeyaal gacanta ay ku soo dhigeen ciidamada ammaanka balse aysan aheyn Al-shabaab.
Puntland ayaa horay xukunno kala duwan ugu fulisay dhalinyaro lala xiriirinayay dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab, kuwaa oo qaarkood lagu toogtay meel fagaaro ah deeganada Maamulka puntland.

