War Deg Deg:-Qarax Goordhaweyd Ka Dhacay Balcad

0

Qarax Miino oo dhulka la galiyay ayaa gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaliya waxaa lagula eegtay inta u dhexeysa degmada Balcad iyo deegaanka Gololey ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ugu yaraan shan askari oo ka mid ah ciidamadii saarnaa gaariga ayaa ku dhintey halka qaar kalana ay dhaawacyo ka soo gaareen sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah.

Maamulka gobolka Shabeelaha dhexe kama aysan hadlin qaraxaan ka dhacay inta u dhexeysa degmada Balcad iyo deegaanka Gololey.

Dhanka kale Ma aha markii ugu horeysay ee weerar miino loo adeegsado uu ka dhaco wadada u dhexeysa degmada Balcad iyo deegaanka Gololey hase yeeshee weerarkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo magaalada Jowhar ay ka socoto qabanqaabada doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here