Qarax xooggan oo gaari lagu soo xiray ayaa ka dhacay Wadada maka Al-Mukarama, kaasoo laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somaliya.
Qaraxan oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayay wararku sheegayaan inuu ka dhacay nawaaxiga Hotelka Wehliye.
Inta la xaqiijiyay 4-qof ayaa ku dhimatay 7-kalana way ku dhaawacmeen oo ku sugnaa nawaaxiga Hotelka Wehliye ee Magaaladda Muqdisho
Gaariga qarxay ayaa la sheegay in la dhigay agagaarka Hotelka Wehliye oo ka mid ah hotelada ku yaalla hareeraha wadada Maka Al-Mukarama ee Magaaladda Muqdisho.
Todobaadyadii u dambeeyay wadada Maka Al-Mukarama oo ah wado aad u mashquul badan, halbowlena u ah isu socodka magaalada ayaa waxaa ay bartilmaameed u aheyd qaraxyada loo adeegsado gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyo.







