Shiikh Muqtaar Roobow oo Ka Baaqday Tagitaankiisa Magaaladda Baydhabo

0

Warar ay heshay Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijinaya in Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-mansuur kasoo bixitaankiisii Al-shabaab kadib maalmahaan ku sugnaa Magaalada Muqdisho uu maanta ka baaqday tagitaanka Magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ee Maamulka K/galbeed oo lagu waday inuu tago.

Warkaan waxaa Idaacadda Simba u xaqiijiyey Masuuliyiin Ka Tirsan Maamulka Koonfur-galbeed oo ka cudur-daartay in magacooda iyo codkoodaba aan adeegsanno,kuwaas oo ka gaabsaday in sheegaan sababta keentay Baaqashada Safarka Hoggaamiye Abu Rooboow Mansuur.

Saraakiisha iyo Masuuliyiinta Idaacadda Simba ay warkan kasoo xigatay waxay kaloo inoo sheegeen in Maalinta barri ah la qorsheeyey in laga dhigo Safarka Manta uu ka baaqday Muqaar Rooboow Cali (Abuu mansuur).

Magaalada Baydhaba ee Gobolka Baay ayaa waxaa shalay gaaray Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaan-dhigga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya kuwaasi  oo kulamo la qaatay Madaxda iyo saraakiisha Dowladd goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here