Kalfadhiga Seddexaad ee Baarlamaanka Somalia oo Muqdisho Ka Furmaya

0

Kalfadhiga 3-aad ee Kulankii koowaad ee Golaha shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaliya ayaa maanta ka furmi doona xarunta Golaha shacabka ee Magaaladda Muqdisho.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ah ka doodista  go’aankii Xukuumadda Federaalka Soomaliya ka qaadatay arrinta Sarkaalkii ka tirsanaa ONLF C/kariin Shiikh muuse (Qalbi Dhagax),oo ay dowladda Soomaaliya u gacan gelisay Dowladda Itoobiya.

Xildhibaanada ayaa si weyn kaga doodi doona aritaas, ku dhawaad 65-xildhibaan oo ka Tirsan Baarlamanka Soomaliya ayaa maalmihii dambe yeelanayay kulamo ay ugu soo horjeedaan go’aanka ay qaadatay xukuuamadda Soomaliya ee ku aadan gacan  galinta Sarkaalkii  ONLF ka Tirsanaa ee C/kariin Shiikh muuse (Qalbi Dhagax).

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here