Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar ismiidaamin ahaa oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay Maqaayad ku taalla bartamaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Weerarka oo ahaa mid ismiidaamin ahaa ayaa waxaa fuliyay nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa, kaasi oo beegsaday dad ku sugnaa Maqaaxida Barwaaqo oo ku taala bartamaha Magaaladda Baydhabo.
Goobta la qarxiyay ayaa ku taala agagaarka Shirkadda Xawaaladda Dahabshiil oo ku dhow Afar Irdoodka magaaladda Baydhabo, halkaasoo ka mid ah goobaha aadka u camiran ee faras magaalka ah.
Ninka is qarxiyay ayaa watay baaskiil sida ay sheegeen goob-joogayaal iyo Mas’uuliyiin ka Tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya , xilligii uu goobtaasi imaanaayay, iyadoo uu gudaha u galay maqaaxida, daqiiqado ka dibna uu is qarxiyay.
Waxaa ku dhintay weerarkaas ismiidaaminta 4 ruux oo shacab ahaa, halka saddex kalena ay ku dhaawacantay.









