Kenya oo Ka Hadashay Weerar Shabaab ay Ku Qaadeen Deegaanka Dabbo

0

Dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa weerar qorshaysan waxa ay ku qaadeen deegaanka Dabbo  ee u dhaxeeya Magaalooyinka Ceel-waaq iyo Kutulo oo ka tirsan  Gobolka Gedo.

Xaraka Al-shabaab ayaa burburiyay  qalabkii isgaarsiinta ee deegaankaas yaalay, iyagoo sidoo kale gubay howlkii shirarka ee Shirkadda isgaarsiineed ee halkaasi ka howlgaleesay.

Dadka degaanka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in shaqaalihii shirkadda aysan joogin xiliga uu weerarka dhacayay islamarkaana uusan jirin qasaaro ka dhashay weerarka, marka laga reebo in Al-shabaab ay burburiyeen qalabkii shirkaddu ay laheed.

Mr Danniel Bundotich  oo ah ku xigeenka gudomiyaha gobalka ayaa wargeyska daily nation waxa uu u sheegay in dagaal yahano lagu qiyaaasay tiradoooda 14 iyo 20 qofood in  weerar ay  ku soo qaadeen magaalada Dabba balse waxa uu sheegay in cidna weerarkaasi ay ku dhaawacmin waxana uu tilmaamay in ay iska caabiyeen.

Waxaa sidoo kale gudoomiyaha gobalka uu sheegay in cagahooda ay ku baxsadeen dagaalyahanada isagoo tilmaamay in weerarka ay ka soo qaadeen meel magaalada mandera u jirta 7 KM.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here