Araaji Qabashada Musharaxiinta Madaxweynaha Hirshabelle oo La Bilaabay

0

Magaalaad Jowhar ee xarunta Maamulka HirShabeele waxaa ka soconaya qaban qaabo ku aadan diiwaan gelinta musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha HirShabeele kadib markii dhawaan uu guddoonka Baarlamaanka uu magacaabey guddiga doorashada.

Xubnaha guddiga oo ka kooban 9 xubnood oo isugu jira guddoomiye iyo ku xigeen iyo xubno kale ayaa u diyaar garoobayaa sidii ay u qaban lahaayeen araajida musharixiinta isku soo taagta xilkaasi, waxaana la filayaa in muddo 30 maalmood gudohooda ay dhacdo doorashada laga soo bilaabo maalintii Dowladda Soomaaliya ay aqbashay xilka qaadistii Madaxweynihii hore ee maamulkaasi.

Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay sagaalka xubnood ee ah guddiga doorashada Madaxweynaha Hirshabelle ayaa ku booriyay in looga baahan yahay in si dhaqsi leh ay u guda galaan howlaha shaqo ee horyaala.

Xubnaha guddiga oo ka kooban 9 xubnood oo dhamaantood ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle,waxaa guddoomiye u ah Max’uud Xuseen Yuusuf halka ay guddoomiye ku xigeeno ka yihiin Abuukar Xasan Cali iyo Cabdulaahi Maxamed Caddow,iyadoo xoghayaha guddigan uu yahay Ismaaciil Maxamed Nuur.

“Sida aad og tihiin waxaa dhawaan baarlamaanka HirShabeeel uu xilkii ka qaaday Madaxweynihii hirshabeele, marka guddigan waxaa uu diyaarinayaa jadwalkii doorashada Madaxweynaha cusub ee HirShabeelle, waa guddi baarlamaani ah, maadaam baarlamaanka uu wax dooranayo, waxaa laga doonayaa in waajibaadkooda ay u gutaan si dhaqsi leh”,Ayuu yir Guddoomiyah baarlamaanka HirShabeele.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here