Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay dagaal qasaaro geystay oo saakay aroortii ka dhacay deegaanka Jeexdin Ee Gobolka Mudug.
Taliyaha Ciidamada Daraawishta maamulka Puntland ee Gobolka Mudug Xasan Faarax Kaarshe oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in aysan jirin Ciidamo Galmudug ah oo ka qeyb qaatay dagaalkii saaakay ka dhacay deegaanka Jeexdin.
Waxa uu sheegay in dagaalka uu dhexmaray ciidamada Maamulka puntland iyo kuwa Maleeshiyaad ah islamarkaana Galmudug aysan diyaar u aheyn dagaal kale oo dib kaga qarxa Magaalada gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

