Guddiga Dastuurka Ee BFS oo La Kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya+Sawirro

0

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Golaha Shacabka ayaa waxaa goob-joog ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Muxammad Sh,Cumaan Jawari iyo Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka #Mudane Cabdi-wali Ibraahim Sh.Muudey ayaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid tahay sidii loo dardar galin lahaa howlaha Guddiga hor-yaala ee la xariirta Dib-U-Eegista Dastuurka oo ah Muhiimada koowaad ee Guddiga loo igmaday.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique Lorenzo oo kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in ay diyaar u yihiin la shaqaynta Guddiga waxayna sidoo kale shegtay in horay ay gacan uga gaystayn ka shaqaynta Dastuurka hadda ay diyaar u yihiin sidii looga shaqayn lahaa.

Ugu danbayntii waxaa kulanka ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Muxammad Sh.Cumanaan Jawaari oo la dardaarmay Guddiga kuna booriyay Muhiimada ay leeyahay howsha ay hayaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here